WAX-KA-BEDDELIDDA BIYO-XIGEENKA SEATTLE

Magaalada Seattle ayaa waxay dib-u-dhisaysaa biyo-xigeenka dhexe ee Seattle. Shaqadan waxaa ka mid ah dhisidda beer ay dadweynuhu ku socdaan oo ku taalla biyaha hareerahooda, dhisidda waddo cusub oo barbar socota jidka Alaskan Way, dib-u-dhiska Dekedyarada (Pier) 58 iyo Dekedyarada (Pier) 62, dhisidda waddo kor u yara kacsan oo ka bilaabanaysa Suuqa Pike Place Market ilaa biyo-xigeenka, iyo sii wanaajinta isku-xirnaanta bari-galbeed ee u dhaxeysa bartamaha magaalada iyo gacan-biyoodka Elliott Bay. Dedaalkan, loo yaqaanno Biyo-xigeenka Seattle (Waterfront Seattle), waa dedaal sannado badan soconaya oo ku baxaysa lacag dhan $806M, waxaanna la filayaa in uu dhammaado 2025. Waxaa hoggaaminaya Xafiiska Mashaariicda Madaniga iyo Biyo-xigeenka ee Magaalada Seattle.

Si aad u turjunto boggan, ka dooro “LANGUAGE” Google Translate oo ku taalla xagga sare ee bogga.

Si aad u codsato turjumaad dheeraad ah ama adeegyo turjumaadda afka ah, ama diyaafadinta shaqsiyaad naafo ah, wac (206) 733-9990 / TTY Relay: 711.

Documents icon

Si aad u hesho macluumaad badan oo la turjumay oo ku saabsan barnaamijka, eeg dokumentiyadan:

Kaarka Barnaamijka Biyo-xigeenka Seattle – Juun 2018